Dagaal khasaare dhaliyay oo maleeshiyo Beeleedyo ku dhexmaray Degaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud

Faah Faahino Dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dagaal laba Maleshiyo Beeleed ku dhex maray degaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud

Colaada ayaa maalmahii la soo dhaafay ka taagneyd degaanada Xanan buure iyo Qalanqale oo ka Tirsan Gobolka Galgaduud

Shalay ayaa Degaanka Xanan Buure waxaa ka dhacay Dagaal socday muddo 5 saacadood ah kaas oo u dhexeeyay labada maleshiyo Beeleed ee ka soo kala jeedaa Cadaado iyo Dhuusamareeb waxaana ka dhashay dagaalka khasare isugu jira dhimasho iyo Dhaawac

Dadka ku geeriyooday Dagaal Beeleedkaasi ayaa u badan shacab sida aynu ku heleyno wararka waxaana Dadkii ku dhaawacmay dagaalkaaso look ala qaaday xaruumo caafimaad eek u kala yaala Cadaado iyo Dhuusamareeb

Maamulka Galmudug iyo Odyaal dhaqameedyo ayaa muddiiyinkii la soo dhaafay waan waan ka dhex waday wax garadka labada malesho balse lagu guuldareystay in  xal laga garo colaada ka dhexeysa maleeshiyadaasi

Labada maleeshiyo Beeleed oo ku dagaalamay Xananbuure ayaa la sheegayaa in ay isku heystaan dhul daaqsin iyo Baraagado.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com