Dagaal ka dhacay Magaalada Laascaanood

Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in xalay halkaas uu ka dhacayDagaal dhexmaray ciidamada Somaliland iyo koox Hubeysan  ka caraysan shacabkii lagu laayay magaalada Laascaanood.

Saldhig Ciidamada Somaliland ku leeyihiin xaafadda lagu magacaabo Durdurka ee Laascaanood ayaa la soo weriyay in dagaalka uu  ka dhacay.

Labada dhinac ayaa isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo laga maqlay inta badan xaafadaha magaalada welise faahfaahin sugan lagama helin khasaaraha ka dhashay.

Dhinaca kale bara-kac xooggan ayaa saaka weli ka socda magaalada waxaana xiran xarumaha ganacsiga iyo kuwa adeeg-bixinta marka laga reebo isbitaallada.

Isbitaallada Laascaanood ayaa la tacaalaya dhaawacyada shacabkii ay laayeen ciidamada Somaliland oo qaarkood xaalad culus ku sugan yihiin