Dagaal ka dhacay gobolka Jubada Hoose

Dagaalkaan ayaa ka dhacay Degaanka Taabta ee duleedka degmada Dhoobleey Gobolka Jubbada Hoose Waxa uuna dhex-maray Ciidamada Kenya oo kamid ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM & Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa bilowday , kaddib markii sida la sheegay ay Al-Shabaab weerar ku qaadeen saldhiga Ciidamada Kenya ee degaanka Taabta, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal sababay khasaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac

Shacabka ku nool degaanka Taabta ayaa sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku ridayeen labada dhinac, isla markaana uu jiro khasaaroa ka dhashay dagaalka, hayeeshee aysan weli si rasmi ah u cadeyn Karin.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay

 

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com