Dagaal ka dhacay Gaalkacyo iyo Taliyihii Madaxtooyada Puntland oo la dilay

Faah Faahino ayaa ka soo baxaya Khasaaraha ka dhashay dagaal xooggan oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Ilaa iyo 7 qof oo iskugu jira Askarta Puntland,iyo  koox  hubeysan iyo dad rayid ah oo la geeyey goobaha Caafimaadka.

Saraakiisha caafimaadka ayaa xaqiijiyay in dhimashada 2 qof oo uu ku jiro Taliyihii guud ee ciidanka Madaxtooyada Puntland Gaashaanle sare Cismaan Cumar Maxmed.

Howlgal ay sameeyeen ciidamada Puntland ayaa la sheegay in uu la xiriiray Maandooriyaha Khamriga iyo xerada Kabida oo kamid ah Xeryihii dawladii dhexe soomaaliya balse Dad shacab ah ay  degan yihiin.

Taliyihii Ciidanka Madaxtooyadda Puntland Gaashaanle sare Cismaan Cumar Maxamed ayaa ku dhintay Howlgal Ciidamada Puntland ka sameeyeen Xerada  Kabista oo maleeshiyo Beeleed gacanta ay ku dhigeen

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com