dagaal ka dhacay degmada Qansax dheere ee gobolka Baay

Warar dheerad ah ayaa ka soo baxaysa khasaaraha ka dhashay dagaal ka dhacay degmada Qansax-dheere ee Gobolka Baay, kaas oo dhexmaray Ciidamada dowladda oo kaashnaya kuwa Koofur Galbeed iyo Al-shabaab.

Xubno ka Tirsan Al-shabaab oo weeraray degmada Qansax-dheere, ayaa lagu soo waramayaa in ay iska caabin kala kulmeen Ciidamada dowladdii ku sugnaa  degmadaas Maamulka degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay ayaa ka war bixiyay khasaaraha ka dhashay dagaalka labada dhinac.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga degmada Qansax Dheere Maxamed Mukhtaar Cabdi, ayaa sheegay in dagaalka lagu dilay 9 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, halka 12 kalena lagu dhaawacay, kuwaas oo qaarkood dhaawac lagu qabtay.

Ma jiro war wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Alshabaab oo looga jiritaanka dagalka iyo khasaraaha ka dhashay

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com