Dagaal ka bilaawday degaan uu dil ka dhacay

Dagaalka oo ah mid xoogan una dhaxeeya laba maleeshiyo Beeleed ayaa waxaa uu ka socdaa deeganka Garasle oo hoosyimaada Degmada Shilaabo ee dowlada Deeganka Soomaalida.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii xalay 6 Ruux oo isku qoys ahaa lagu dilay degaanka Garasle, kuwaas oo meydkooda la keenay degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud.

Wararka laga helayo degaanka Garasle ayaa sheegaya in maleeshiyaadka dagaalamaya oo Xoolo dhaqato ah ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan,waxaana jira khasaaro labada dhinac kasoo gaaray dagaalka.

Degaanka lagu dagaalamayo ee Garasle ayaa waxaa uu ku yaalaa Xad beenaaska Soomaaliya iyo Itoobiya ee dhinaca Gobolka Galgaduud, waxaana horay uga dhacay dagaalo soo laab laabtay oo u dhaxeeyay laba maleeshiyo Beeleed.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com