Dagaal Culus oo maanta ka dhacay Laascaanood

Dagaal xooggan oo u dhexeeya xoogagga SSC-khaatumo iyo Somaliland ayaa ka socda jiidaha bari iyo galbeed ee magaalada Laascaanood, dagaalkan oo ku bilow madaafiic laysu adeegsaday ayaa haatan sidoo kale ka bilowday aagga Maraaga.

Dagaalkan Ramadaanta galay ayaa ku soo aadaya xilli ay Laascaanood ku wajahan yihiin Isimmo ka socda gobollada Koonfureed oo doonaya in ay waan-waan nabadeed ka dhex bilaabaan SSC iyo SL.

SSC iyo Khaatumo ayaa ku Eedeeyay Ciidamada  Somaliland in ay weerar ku soo qaadeen  laba aag oo kala ah dhinaca Bari iyo dhinaca Galbeedka ee duleedka magaalada Laascaanood, Ciidanka deegaanku waxa ay hadda dagaal kula jiraan malayshiyada weerarka soo qaadday.

SSC iyo Khaatumo  ayaa  sheegay Beesha Caalamka iyo bulshada Soomaaliyeed waxa aanu u sheegaynnaa in Somaliland ay weerarka markastaku  soo qaado, ayna deegaanka khatar ku yihiin iyo xasiloonida mandaqadda iyo tan geeska Afrika.

Dhinaca kale  Xukuumadda Somalliland ayaa ka hadashay dagaal Barqadii Maanta ka Bilaabmay Laascaanood.

“Soomaaliland ayaa  sheegay in ciidamada Maamulkii Khaatumo oo kaashanaya ciidanka  Maamulka Puntland-Somaliya, Argagixisada iyomaleeshiyaad nabaadiid ah oo   ku sugan sugan Laascaanood Barqadii Maanta oo ah maalintii Afraad Ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan, waxa ay weerar ku soo qaadeen fadhiisimada ciidamada Somaliland ee ku sugan duleedka Magaalada Laascaanood.

Ciidamada si adag ayay isaga difaaceen weerarka ay soo qaadeen danbeeyayba abaabulkiisa waday kuwaasoo ay hogaaminayso Puntland, iyadoo marnaba Ciidanka Somaliland weerar ahayn, ilaalinayo xabad joojintii Xukuumaddu ku dhawaaqday, tiraba dhawr jeer. Xiligan lagu gudo jiro bisha Ramadaan ee khayrka leh oo ah bil cibaado iyo Alla ka cabsi, balse aanay huwantu xeerinayn wanaaga Alle ina Faray.”

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com