Dagaal Culus oo ka dhacay Magaalada Laascaanood & Somaliland oo ka hadashay

Dagaal xoogan ayaa Maanta markale waxaa uu ka dhacay duleedka magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool, kaas oo u dhaxeeyay Ciidamada Somaliland iyo kuwa degaanka ee la Magac baxay SSC.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Ciidamada Somaliland oo dhaq dhaqaaqyo ka waday duleedka Bari ee Magaalada Laas-Caanood ay is heleen kuwa degaanka ee SSC, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in Ciidamada Somaliland fariisimaha qaar ay isaga baxeen.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in dagaalka oo markii hore ka billaawday dhinaca bari ee Magaalada Laas-Caanood uu ku fiday degaano kale, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Xukuumadda Somaliland oo looga hadlay dagaalka ayaa waxaa lagu yiri” Ciidanka Somaliland, ayaa fashiliyey isku day weerar oo ay soo qaadeen kooxaha argagixisada ah iyo huwanta kale ee uu hoggaamiyo maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya. Dagaalka maanta waxa uu Ciidanka Qaranku ka soo hooyay guullo waawayn.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com