Dagaal Beeleed Mar kale ka dhacay degaano ka Tirsan Gobolka Sool

Wararka ka imaanaya gobolka Sool ayaa sheegaya in Dagaal Xiisado Beeleedyo  mar kale maanta  dib uga qarxay ceelka Dhabar-dalool, oo koonfur kaga beegan degmada Duddun ee Gobolka Sool.

Rasaasta labada dhinac ay isweydaarsanaayeen ayaa laga maqlayaa goobta dagaalka, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan, inkastoo aan si dhab ah loo xaqiijin karin.

Dad Goob-joogayaal ah oo ku sugan tuulada holhol oo ku dhow goobta dagaalku ka socdo, ayaa laga soo xigtay in dagaalku hadda jihooyin horleh ku fiday, balse  faahfaahin kale ma jirto.

Colaaddan waxaa baaqyo nabadeed ka soo saaray dhinacyo kala duwan oo ay ku jirto maamulka  Puntland.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com