Dagaal Beeleed ka dhacay Gobolka Galgaduud & faah faahin laga helayo

Wararka naga soo gaaraya Deegaano u dhow Deegaanka Baxdo Gaabo Ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi uu dagaal culus oo soo gaaray xalay xilli dambe uu ku dhex-maray labada maleeshiyo Beeleed.
Labada maleeshiyo Beeleed oo isku heysta dhul ku yaal tuulooyinka lagu dagaalamay ayaa dagaalkooda waxaa uu yahay mid soo laab laabtay, waxaana inta la xaqiijiyay ku geeriyooday 2 Ruux halka saddex kale ay ku dhaawacmeen.

Dadka degaannada lagu dagaalamay ayaa waxaa ay sheegeen in xalay xilli dambe uu dagaalka joogsaday, hayeeshee aaka la dareemayo xiisad dagaal oo u dhaxeeysa labada maleeshiyo Beeleed.
Saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya ee Gobolka Galgaduud iyo Mas’uuliyiinta Maamulka Galmudug weli dagaalkaas kama hadlin, waxaana sidaan oo kale uu dhowr jeer dagaal Beeleedka uu uga dhacay degaano u dhow Deegaanka Baxdo Gaabo Ee Gobolka Galgaduud.
Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in saacadaha soo socda degaanada lagu dagaalamay inay gaari doonaan Ciidamo ka tirsan kuwa qeybta 21aad si ay u kala dhex-galaan labada maleeshyo Beeleed ee dagaalamay.

Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com