Dagaal Beeleed ka dhacay degaano ka Tirsan Degmada Warsheekh ee gobolka shabeelaha Dhexe

 Faah Faahino ayaa ka soo baxaya dagaalo Beeleedyo ka dhacay degaano hoostaga degmada Warsheekh ee gobolka shabeelah Dhexe

Wararka imaanaya degmada Warsheekh ayaa sheegaya in dagalka uu halkaasi ku dhexmaray laba Beelood oo wada dega tuulooyiin iyo degaano ka Tirsan degmada Warsheekh ee gobolka shabeelaha Dhexe

Dagaalka ayaa lagu soo waramayaa in khasaare dhaawacyo ah uu ka dhashay dagaalka ee soo kala gaaray dhinacyada dagaalka uu u dhexeyo

Labada Maleeshiyo Beeleed ee dagaalka uu dhexmaray ayaa wararku ay sheegayaan in ay isku heystaan dhul daaqsin ah iyo beero mana jirto ilaa hadda wax xal oo laga gaaray dagaalka labadaasi maleeshiyo Beeled u dhexeya.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com