Dadaalo lagu xalinayo Colaad Beeleed ka taagan degaano ka tirsan gobolka Hiiran oo ka socda M/Baladweyne

Dadaalo lagu xallinayo colaad beeleed ka dhacay gobolka Hiiraan ayaa ka socda magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, waxaana goob jog ka ah wafdi uu hor kacayo wasiir ku xigeenka gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cabdifitaax Qaasim.

Shirka lagu heshiisiinayo labada Belood oo lagu qabtay xarunta maamulka gobolka Hiiraan ee Baladweyne ayaa waxaa la isugu keenay odayaasha dhinacyada colaadda dhex martay, iyadoo ay goobjoog ka yihiin maamulka gobolka Hiiraan iyo xubno  ka tirsan maamulka Hirshabeele.

Shirkaasi lagu dhexdhexaadinayo labada Beelood ayaa laga rajeynayaa in go’aano wanaagsan ay ka soo baxaan

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com