Hay’adda IOM ayaa sheegtay in ugu yaraan 100 qof ay ku dhinteen badda Mediterranean ,ka dib markii ay degtay doon yar oo sidday dad muhaajiriin ah oo ka badan 130-ruux.
hey’adaasi ayaa soo dhigtay baraha bulshada Warbixin lagu sheegay in doontaasi qalibantay oo ka sameysneyd caag ay ku degtay Woqooyi xarunta Liibiya ee Tripoli.
Sidoo kale Warar ayaa sheegaya inay jiraan laba doonyood oo kale oo ku qalibmay badda,xilli mowjadaha badda ay gaaraya 6-mitir .
Hay’adda ayaa sheegtay In ka badan 350 qof in sanadkan ay ku dhinteen badda Mediterranean .
Sidoo kale Hay’adda socdaalka muhaajiriinta ee IOM ayaa baaq u dirtay dowladaha si ay dib ugu daabulaan maraakiibta baadigoobka iyo badbaadinta badda Mediterranean-ka.
Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com