Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay baartey dad isaga shakiyey Coronavirus oo tegay xarunta karan-tiilka ee Wasaarada Caafimaadka gacanta ku hayso.
Agaasimaha tayadda wasaaradaas, Cabdirisaaq Yuusuf Axmed, ayaa tiradda dadkaas ku sheegay ku dhowaad 40 ruux.
Wareysi uu siiyey warbaahinta maxaliga ah ayuu daaha kaga rogay in dhamaan shaqsiyaadkaas qaarkood laga waayey xanuunka markii laga qaadey tijaabada la xiriira caabuqa safmareenka ah ee Covid-19.
“Magaalada dad isaga shakiyey ayaa la baarayey shalay iyo maanta, jawaabahoodana waa la heli doonaa, gudaha iyo dibadda ayaanna lagu baarayaa,” ayuu Axmed u sheegay saxaafada gudaha.
Dhanka kale, qalabka lagu ogaado xanuunka ayuu ka dhawaajiyey in la rakibay isla markaana ay haatan hagaajin ku socoto sheybaarka, wallow uusan muddeyn xiliga rasmiga ah ee lasoo gabagabeyn doono.
“Dadka la nool [Coronavirus] ee la xaqiijiyey waa todoba, waxba iskama bedelin; mid ayaana ka bogsoodey, dhamaantooda xaaladoodu way wanaagsan tahay,” ayuu hadalkiisa kusii daray agaasimaha
Shaqsiyaadka uu soo ritay cudurka ee jooga Muqdisho ayaa laba kamid ah waxay yihiin ajaaniib la shaqeeya xafiiska Qaramada Midoobay, waxaana ay cudurka kasoo qaadeen dalal ay booqdeen.
Dhamaan kiisaska la hubiyey ayaa waxaa lagu soo ogaadey sheybaar hay’adda caafimaadka aduunka aqoonsan tahay oo yaala caasimadda Kenya ee Nairobi, halkaas oo khuburo caafimaad ay joogaan.
Xafiiska Wararka,muqdisho.
Info@aragticusub.com