Oslo:- Dad fara badan ayaa lagu soo waramayaa in aysan maanta ka qeyb galin salaada Jimcaha Masjidka Magaalada Moss.
Arintaan ayaa timid kadib markii dhawaan kaamirada masjidka qabatay nin boorso madow dusha u saaran tahay Isla markaa aan la ogeyn sababaha Masjidka u soo galay.
Xubnaha Masjidka ayaa maanta cabsi darteen uga qeyb gali waayay salaada jimcaha.
Qaar ka mid ah dadka ku xiran Masjidka oo la hadlay warbaahinta NRK ayaa muujiyay wal walka ay ka qabaan qofka masjidka soo galay oo ay kaamiradu qabatay.
Boolis ayaa dhawaan sheegay in ruuxa Masjidka galay uusan aheyn qof lagu yaqaan cunsurnimo balse baari doonaan sababta goobtaas u tagay.
Xafiiska Wararka,Oslo.
Info@aragticusub.com