Dad Careysan oo Maanta Banaanbax ka dhigay Magaalada Kismaayo


  • Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa maanta waxaa ka dhacay Banaanbax looga horjeedo dagaal beeleedyo maalmihii ka dhacayay deholdo ku yaalla duleedka Kismaayo.

Qaar kamid ah Bulshada ku dhaqan Kismaayo oo isugu jiray dhalinyaro, Haween, Caruur iyo Odayaal ayaa isugu soo baxay beerta nabada Magaaladaas, iyagoona aad uga careysnaa dagaalka sababay dhimasha iyo dhaawaca ee laba Male dahayedaho

Sidoo kale dadka dhigayay Banaanbaxa oo warbaahinta lahadlay ayaa waxaa ay sheegeen inay aad uga xun yihiin dagaalka dhexmaray labada beelood, iyagoona ugu baaqay inay si deg deg ah u joojiyan dagaalkaas.

Dhinaca kale banaanbaxayaasha ayaa ku qeylinayay Erayo ay ku muujinayeen muhiimada ay leedahay nabada, waxaana labada dhinaca ay ka dalbadeen in si shuruud la’aan ah u joojiyaan Codaalada uu dhiiga badan ku detay.

 

Xafiiska Wararka, Muqdisho 

Info@aragticusub.com