Dad badan oo shuban ugu geeriyooday gobolka degmada Afmadow

Wararka naga soo gaaraya degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in dad badan cudurka shubanka ay ugu geeriyoodeen degmadaas

Ilaa iyo 17 qof oo isugu jira caruur iyo dad Da’ah ayaa cudurka shuban biyoodka ugu geeriyootay  degmada Afadoow waxaana la sheegay in saacadihii la soo dhaafay xaruunma caafimaadka degmadaas la geeyay dad la ildaran cudurka shubanka .

Mas’uuliyin ka Tirsan Maamulka Jubland oo ku sugan degmada Afmadow ayaa sheegay in daawo lagula tacaalayo dadka uu uu soo ritay cudurka shubanka ay geeyeen degmadaas

Sidoo kalena,  Ehelada dadka la ildaran cudurka shubanka ay u qay biyeen Raashiin balse baahiada ka jirta degmada Afmadow aysan dabooli Karin gargaarka halkaas ay gaarsiyeen.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com