Dad badan oo la yaab ay ku noqotay ka dib markii maanta Gudoomiyaha Golaha shacabka xarunta Golaha shacabka ka saaray Xubno ka Tirsan Aqalka sare

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya  Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in aysan jirin muddo kordhin loo sameynaayo Madaxweyne Farmaajo.

Gudoomiye Mursal ayaa sheegay in fadhigii maanta ee baarlamaanku uu u gaar u ahaa Golaha shacabka, Waxa uuna xaruunta shirka ka saaray senatoro ka tirsan Aqalka Sare oo fadhiga soo xaadiray.

xubno ka tirsan senitarada Aqalka sare ayay la yaab ku noqotay markii laga saaray Hoolka shirka Baarlamaanka Soomaaliya kuwaas oo markoodii hore lagu war geliyay in shirka ay soo xaadiraan balse ay ay la kulmeen wax ka duwan wixii ay filayeen

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com