Dad badan oo ku dhintay Roobab ka da’ay gobolka Gedo

Dad lagu qiyaasay 14 qof ayaa ku dhintay kumanaan kalena way ku barakaceen, daadad ka dhashay roobab ka da’ay gobolka Gedo.

Xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee UN OCHA ayaa sheegay in dad badan ay ku naf waayeen degmada Baardheere ee gobolka Gedo oo ay roobabkii ugu badnaa ay ka da’een maalmihii la soo dhaafay.

Hay’addu waxay sheegtay in meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah ay heleen roobab fudud iyo kuwo dhexdhexaad ah usbuucii la soo dhaafay, taasoo muujinaysa bilowga xilli roobaadka Gu’ga.

“Saadaasha roobabku waxay muujinaysaa sii socoshada roobabka inta badan dalka illaa bisha Maarso,” OCHA ayaa ku sheegtay warbixinteedii ugu dambeeyay ee saadaasha roobabkii ugu dambeeyay ee xilliga Gu’ga 2023 ee la sii daayay fiidnimadii Khamiista.

Hay’adaha samafalka ayaa walaac ka muujiyay xaaladda nololeed ee sii xumaanaysa, gaar ahaan barakacayaasha ee ku nool degmooyinka ciriiriga ah ee aan haysan hoy ku filan.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com