Dab xoogan oo ka kacay shirkad Biyaha farsameysa ee ku taal Muqdisho

Muqdisho,Dad xoogan ayaa goordhaw ka kacay warshada biyaha Zamzam ee ku taal Muqdisho.

Warshadan ayaa ah mid farsameysa biyaha isla markaana iibisa.

Dabkaan oo ah mid xoogan ayaa ilaa iyo iminka la ogeyn sababaha dhaliyay.

Gaadiidka gurmadka deg dega ah ee Gobolka Banaadir ayaa iminka ku howlan sida dabkaas loo xakameyn lahaa.

Ilaa iyo hada lama xaqiijin karo khasaaraha ka dhashay dabkaas.

Wixii Warar ah kala soco www.aragticusub.com

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com