DAAWO: Taariikhda kooban iyo halka uu kasoo jeedo ee kusaabsan Sir Mo Farah 1990-2022.

Waxaa marqura dadka caalamka kunool sanadii 2010-kii indhahuudu uu qabtay wiil dhuuban oo madaxa xiiran, kaasi oo leh midabka madow kana soo jeeda qaarada afrika, 2010-kii wixii ka horeeyana aan sidaa loo aqoon, balse wixii xiligaa kadambeeyay marka ay dadku shaashadaha la iska daawado ay ka arkaan durbaba uu kusoo dhaco magaciisa.

Kaasina waa Mo Faaraxa ku guuleestey afarta goor koobabka dahabka ciyaaraha orodka ee Olombikada Adduunka, caalamkana kaga yaabsaday xaawaarihiisa sareeya ee orodka 5000 iyo 10000, isagoona u ordayey boqortooyada UK, hase’yeeshee kasoo jeeda asal ahaan dalka Soomaliya.

Qof kasta oo daawaday guulahiisa ciyaaraha Olombikada ayaa raadiya halka uu kasoo jeedo qof ahaan Sir Mo Faarax, balse halkaan waxaan kuugu soo koobi doonaa taariikhda qoyska uu kasoo jeedo halka ay dagaan iyo waxa ay qabtaan qoyskiisa Sir Mo Faarax asalkiisu Soomaaligu yahay ee heysta dhalashada boqortooyada UK, maalmahana sida aadka ah loo hadal hayo.

Qoyska orodyahanka caanka ah ee Mo Faarax waxa ay degaan baadiyaha fog ee kutaala Jamhuuriyada iskeed ugu dhawaaqdey madax banaanida ee Somaliland, waxa ay degaan degaan u dhow Degmada Wajaale ee gobolka Gabileey.

Wiilka ugu weyn qoyska orodyahanka waxaa lagu magacaabaa Feysal halka hooyadiisana lagu magacaabo Caasho, Mo Faarax waa ilmaha afaraad ee qoyskooda.

Feysal oo ah Mo Faarax walaakiis kaweyn waa beeraley iyo xoola-dhaqato marka uu rabo inuu daawado goorta uu ciyaarayo walaalkiis waxa uu usoo aadi jiray 40 meyl meel u jirta halka ay deganyihiin, Feysal oo daawanaye ciyaartii labaad ee guusha bilada dahabka uu ku hantey Mo Faarax ayuu sheegay in uu sida bomka oo kale uu u qarxi gaarey farxad darteed, Mo Faarax hooyadiis oo iyadu ku hartey hoygeeda ayaa halkaasi ku sugi jirtey aqbaarta guusha wiilkeeda inay maqasho.

Mo Faarax walaalkiis kaweyn wuxuu sheegay marka uu wiilkooda guuleesto in dadka tuulada jooga ay u qeybin jireen hilib, caano iyo jaad.

Mo Faarax waxa uu ahaa mid biil joogta ah u dira qoyskiisa, walaalkiis Feysal oo ka sheekeenaya ayaa yiri “Mobilkayga marka uu dabka kadhaco waxaan kusoo dabeesta degmada Wajaale si aan uga eego in xawaalada lacagta lagu soo diray ay kusoo dhacdey masejkeeda”.

“Mo Faarax wuxuu aad u xiiseen jiray kubada cagta iyo orodka anigana waan la ciyaari jiray kubada iyo orodkaba” ayuu yiri Feysal.

Mo Faarax waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho aabihiis waxa uu ahaa ganacsade waxayna kunoolaayeen xiligii sagaashameeyadii nolol wanaagsan, waxayna lahaayeen hanti, laakiin dagaaladii ka dhacey Soomaaliya xiligii burburka uu socdey 20-ka sano ayaa sababtey inay ku hanti beelaan.

Haddaba shaqsiga aan ka sheekeynaayo ee Sir Mo Faarax sheeko taa kabedelan oo noloshiisa quseysa ayaa si lama filaan ah mar qura dunida u qabsatay iyadoo dadyowga caalamka ay ku riday layaab iyo amakaag.

Orodyahanka ayaa dhawaan shaaciyay noloshiisa dhabta ah ee ku saabsan dalka Ingiriiska isagoo kasheekeeyay nolol 30 sano uu qarinayey, inkastoo 30 sano ay tahay waqti aad u dheer ayna dhici karin in waqti intaas la eg uu qariyo ruux xogtiisa hadeysan jirin daruuf kalifi karta in uu dibada usoo saarin, waana mida hada dadka oo dhan ay lafajeceen mudadaasi fog ee ciyaar yahanka uu qariyey xogtiisa hadda uu shaaciyey.

Mo Faarax ayaa sheegay in boqortooyada UK lagu keenay qaab sharci daro ah isagoo sheegay in qof haweeney ah ay kusoo qaadey dukumiinti been abuur ah, dukumiintigaasina uu lahaa wiil lahaa magaca saxda ah ee Mo Faarax, wiilkaas oo ay dhawaan qadka araga iskala hadleen Mo Faaraxa ciyaar yahanka iyo Mo Faaraxa saxda, kadib dukumiinti muddo laba sano la diyaarinayay oo lagu soo bandhigay BBC-da.

Markii la keenay UK waxa uu sheegay in sida adoonta oo kale guriga loogaga shaqeysan jiray caruurta ay dhaleen qoyskii keenay UK uu u ilaalin jiray, mar uu hadlayey xidiga ayuu sheegay marka iskuulada ay jiraan xafladaha ardeyda dhan waalidiintooda ay imaan jireen hase ahaatee isaga cidna aynan u imaan jirin.

Waxaa idiin diyaariyey warbixintaan anigoo ah Bile Maxamed Cabdi waxaana warbixinta qaar kasoo xiganey jariirad kasoo baxdo magaalada London oo lagu magacaabo GUARDIAN.