Daawo Sawirada :RW Rooble oo Ugu baaqay Midowga Musharixiinta in ay joojiyaan dibad baxa maalinta beri jimcaha ah ay ku dhawaqeen

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Kulan Magaalada Muqdisho ku dhexmaray Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha Midowga Musharixiinta

Kulanka oo ka dhacay Hotel Decale oo ku yaala Gudaha Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qayb galay Madaxweynayashii hore ee Soopmaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh iyo madaxda kale ee Midowga Musharixiinta marka laga Reebo oo aan kulankaasi aysan xaadirin Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka Tirsan Golaha Midowga Musharixiinta.

Illo Wareedyo u Waramay Warbaahinta Aragticusub  ayaa sheegay in Ra’iisal Wasaare Wasaare Rooble uu ka codsaday Midowga Midowga Musharixiinta uu ka codsaday in ay dib u dhigaan dibad baxa maalinta beri ah ay ku baaqeen in ay joojiyaan Taasi badal keedana loo diyaarinaayo goobo Amaan ah oo dibad bax ay ku dhigi karaan balse ma jiro ilaa hadda jawaab rasmi ah oo ka soo baxaday midowga musharixiinta oo ah in ay joojinayaan dibad baxaasi.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com