DAAWO SAWIRADA: 63-sano guuradii kasoo wareegtay xornimadii Soomaaliya oo magaalada Bergen laga xusay.

Taariikhda soo yaalka ah ee dalka Soomaaliya ayaa waxaa hordhac u ah 1-da Luulyo oo ah maalin aad ugu wayn qof waliba oo Soomaali ah oo jecel shacabkiisa, Diintiisa iyo Dalkiisa, waxaana 1-da Luulyo ay tahay maalin baal wayn kaga qoran Taariikhda Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay adduunka ka joogaan.

Ururkii siyaasiga ahaa ee ay hogaaminayeen 13-kii dhalinyarada ee SYL ayaa horseed u ahaa xornimadii ay gaartay Soomaaliya 1-da Luulyo 1960-kii oo ay Soomaaliya xornimo buuxda heshay isla markaana waxaa kaloo midoobay labadii gobol ee waqooyiga iyo koonfurta Dalka Soomaaliya, waxaana munaasabad maalintaa qiimaha sare leh lagu xusayo lagu qabtay meelo kala duwan oo ka mid ah magaalooyinka dalka Norway.

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu xusay 1-da Luulyo ayaa lagu qabtay garoonka kubada cagta Mohlenbaris, taasi oo ay ka qeyb galeen masuuliyiin Soomaaliyeed oo ka tirsan golaha deegaanka magaalada Bergen, Odayaal, Aq oonyahano, Culumaa’udiin, Haween, Dhalinyaro iyo Carruur kuwaa oo badankood ku labisnaa dharka astaanta qaranka Soomaaliya.

Intii xafladaasi ay socotay waxaa lagu soo bandhigay heeso wadani ah iyo qudbado ka hadlayay qiimaha ay leedahay 1-da Luulyo iyo waajibka qof kasta oo Soomaali ah maalintan ka saaran in uu xuskeeda ka qeyb qaato, maadaama xornimada Soomaaliya ay soo martay marxalado kala duwan, iyadoo Calanka Soomaaliya la suray barxada ay ka socotay xaflada xuska Kowda Luulyo.

Xildhibaanad Aamina Amiin iyo Xildhibaan C/laahi Cilmi Ibraahim oo labaduba ka tirsan golaha deegaanka magaalada Bergen gaar ahaan Xisbiga Shaqaalaha (AP) ayaa sheegeen in halgankii xornimadan uu dhiig badan kusoo daatay, loona baahan yahay in maalintan qiimo gaar ah la siiyo, isla markaana carruurta qurbaha ku dhalatay iyo kuwa ku koray la baro qiimaha qaranimo ee Soomaaliya.

Sidoo kale Odayaashii, Waxgaradkii, Masuuliyiintii iyo haweenkii kale ee ka hadlay xafladaasi ayaa si wadajir ah u sheegay maalintan in ay tahay maalin farxad u ah Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan reer Bergen.

Ugu danbeyntii waxaa kaloo 1-da Luulyo laga xusay Magaalooyinka Oslo, Stavanger, Tromso iyo magaalooyin kale, waxayna shacabka iyo mas’uuliyiinta magaalooyinkaasi ay dhammaantood hambalyo u direen Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay Adduunka kaga nool yihiin.

HALKAN HOOSE KA DAAWO QAAR KA MID AH SAWIRADDA XAFLADA 1-DA LUULYO.

\