Daahir Geelle oo ka hadlay aragtida Siyaasadeed ee Madaxweyne Farmaajo

Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geele oo ka Tirsan Golaha Midowga Musharixiinta ayaa ka hadlay aragtida siyaasadeed ee madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday Maxamed Cabdilaahi Farmaajo

Musharax Daahir Geelle ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweyne Farmaajo kaliya uu Aamin san yahay in qori caaradiisa wax lagu xalin karo , Isaga oo Sidoo kale ka hadlay madashii Xalay looga dhawaaqay Muqdisho oo loogu magic daray Badbaado Qaran

Mar haddii walaalkeen Farmaajo fahamkiisa dowladnimadu ku soo koobmay qori amaankiisa furan yahay oo bulshada lala dhex ordaayo, waxaa qasab noqotay in badbaado qaran laga hadlo ayuu yiri’ Daahir maxamuud Geelle.

Qaran muggiisu waa ka micno wayn yahay qori amaankiisu furan yahay oo marba qof lagu taago ama dibad baxe lagu dilo. Dadku waxay u ooman yihiin dowladnimo iyo badbaado, waxa la badbaadinayana waa wadajirka iyo xasilloonida qaranka, sidaas in na loola fahmo ayaan rajaynaynaaayuu  hadalkiisa sii raaciyay .

#Geelle2021

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com