Cudurka Covid19 oo mar kale ka dilaacay Dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya

Wasaaradda caafimaadka ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa sheegtay in cudurka Covid-19 uu kusoo laba kacleeyay deegaanka isla markaana la diiwaangeliyay kiisas hor leh.

Wasiirka caafimaadka oo u warramayay teleefishinka deegaanka ayaa sheegay in saddexdii toddobaad ee u dambeysay ay korodhay tirada dadka laga helay cudurka Karona.

Wuxuu intaas ku daray in guud ahaan dadka laga helay cudurka deegaanka ay gaarayaan 1,705 qof halka 38 qofna ay u dhinteen.

Dhawaan ayay aheyd markii tallaalka ka hortagga cudurka la geeyay Dowlad Deegaanka Soomaalida, waxaana tallaalka la siinayaa howlwadeenada caafimaadka iyo dadka da’da ah.

Xafiiska Warar Muqdisho

Info@aragticusub.com