Cudurka Covid19 oo ku sii fidaya degaanada Soomaaliland

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in labadii bilood ee la soo dhaafay uu dad badan soo ritay xanuunka Covid-19 oo mawjadii labaad ah.

Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in hadda ay xooga saareyso wacyigelinta iyo qaababka kale ee looga hortagayo faafidda cudurka haddii loo baahdana ay soo rogi doonaan tallaabooyin dheeraad ah.

Maxamed Cabdi Xargeeye oo ah agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaad Somaliland ayaa sheegay in haatan uu si deg deg ah ku faafayo cudurka xilli ay diiwaangeliyeen kiisas hor leh.

Wuxuu sheegay in arrimaha horseeday in cudurka uu mar kale uu kusoo laba kacleeyo Somaliland ay kamid tahay inay soo bateen kulamada dadweynaha gaar ahaan ololaha doorashada.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com