Codka Xildhibaanada G/mudug oo gaaray in badan 10-kun oo doolar.

Iyadoo maanta magaalada dhiisamareeb lagu doortay G/doomiyaha Barlamaanka iyo ku xigeenadiisa ayaa wararka aan ka heleyno magaaladaasi waxeey shegayaan in amanda aad loo adkeyay.

Aroortii hore  ayaa la arkayay wakiilada musharaxiinta u tartamayo xilka G/doomiyaha kuwaasi oo  hoolka dhoorashada kadhex bilaabay kala coxd xodasshada codadka xildhibaanana.

Aragti cusub ayaa  ogaatay   Musharixiintu inay Bixiyaan Lacago ay Siiyaan Xildhibaanada, Kuwaasi oo Codkooda uu kala iibsaday , waxaana qiimaha halkii xildhibaan uu gaaray lacag u dhaxeyso 5-kun ilaa 10-Kun oo Dollar.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa caawa hadal heeynta ugu weyn waxeey aheed  qaabka ay udhacday doorashadi maanta iyo qaabka musharaxiinta  codkooda ay u iisadeen .

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com