Ciidanka xoogga oo sheegay in ay Al-Shabaab kasoo furteen 40 Carruur ah

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa  Al-shabaab kasoo Furtay Carruur ay tabarayaayeen Sidda lagu sheegay war kasoo baxay taliska Ciidanka.

 

Ururka 143-aad ee guutada 14 October ayaa howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyay saacadihii lasoo dhaafay tuulooyin hoostaga deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha hoose.

Tuulada Nuunaay oo hoostagta Bariire ayaa ciidanku si gaar ah howlgalka uga sameeyeen waxaana howlgalka ciidanku ku dileen 16 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab sidda lagu xusay warka aksoo baxay.

 

Dhamme Axmed Xasan Siyaad  taliyaha ururka 143-aad ee guutada 14 October ayaa sheegay in Caruurta gaareysa 40 oo Al-Shabaab ka soo qafaashay gobollada dalka qaarkood inay ka soo badbaadiyeen deegaankaas isla markaana haatan ay ku jiraan gacanta ciidanka.

Waxsaa uu sidoo kale sheegay in carruurtaasi loo diyaarinaayay qaraxyada iyo sidoo kale weerarada.

Xafiiska Wararkajowhar.

Info@aragticusub.com