Taliyaha Ciidanka Somaliland Aaga Bariga ee Millateriga Somaliland Sareeye guuto Cali Barre, ayaa sheegay in ciidamada Somalilaland ay guul ka gaareen dagaalkiishalay ka dhacay Laascaanood , oo ay qabsadeen maxaabiis iyo baabuur.
Taliyaha ayaa sheegay in ay dagaalii shalay ku qabsadeen gaadiid dagaal iyo 10 maxbuus oo uu ku jiro xildhibaan Faarax Maxamed Dalmar, oo hore uga tirsanaa Baarlamaanka Puntland.
Taliyaha Somaliland aaga Bari ayaa sheegay in ay sidookale qabsadeen 7 baabuur oo iskugu jira baabuur dagaal iyo baabuur siday saadka ciidamada.
Taliyaha ciidanka Somaliland aaga Bari Tilmaamay in dagaalkii shalay lagu soo qaaday Ciidanka Somaliland oo ay isaka diifaaceen , isla markaana ay xoogaga Laascaanood kula dagaalamaya weerareen saad ciidan oo millateriga uga soo dagayay madaarka Laascaanood, isla markaana ay jabiyeen.
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info @aragticusub.com