Ciidanka Puntland oo Hawlgal ku soo qabtay Xubno ka Tirsan Alshabaab

Ciidamada PSF Puntland , oo hawlgal ka fuliyay Buuraleyda Galgala, ayaa gacanta ku dhigay Amiir ka tirsan Al-shabaab iyo xubno kale.

Xubnaha la qabtay, ayaa sida wararku sheegayaan qaabilsanaa Qaraxyada lagu aaso jidka u dhexeeya degaanka Galgala iyo tuulada Karin ee Gobolka Bari, halkaas oo marar kala duwan Qaraxyo lagula beegsaday Ciidamada Puntland.

Ciidamada  PSF ayaa sidoo kale ,waxay soo qabteen budooyinka Qaraxa laga sameeyo ee maadada TNT-da loo yaqaan, kuwaas oo Al-shabaab doonayeen in ay Qaraxyo ka sameeyaan.

PSF weli ma aysan sheegin tirada iyo magacyada Amiirka iyo sxubnaha  kale ee laga qabtay Al-shabaab,  kaliya muuqaalkooda muuqalkooda ayay soo bandhigeen.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com