Ciidanka Puntland oo Hawlgal ku qabtay kooxo khamriga ka ganacsada

Ciidanka Booliiska Gobolka Mudug Puntland, oo gelinkii dambe ee xalay hawlgal qorshaysan ka fuliyay  Magaalada waqooyiga Gaalkacyo, ayaa gacanta ku soo dhigay koox hubaysan oo Khamriga ka ganacsanayay

Saraakiil ka tirsan Booliiska Gobolka Mudug, ayaa warbaahinta u sheegay, in Hawlgalkaasi lagu qabtay koox ka kooban 8 xubnood oo hubaysan, kuwaas oo Khamriga ku iibin jiray halka lagu magacaabo Xeradii KABISTA oo ku taalla bartamaha Gaalkacyo.

sidoo kale Ciidamada waxay gacanta ku dhigeen baaruur Khamriya iyo lix qori oo AK47 ah, kuwaas oo ay wateen kooxda la qabtay oo dhammaantood xabsiga loo dhigay , marka laga reebo qof dhaawacmay oo isbitaal la geeyay.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com