Ciidanka PSFta Puntland oo dib u soo furtay maxaabiista laga sii daayay xabsiga Boosaaso

Ciidamada PSFta Puntland , ayaa sheegay  in ay soo furteen maxaabiis badan oo Al-shabaab kala baxday xabsiga weyn ee Boosaaso.

War Qoraal ah oo ka soo baxay Ciidanka PSFta puntland , ayay ku shaaciyeen  in ay soo furteen maxaabiistii laga sii daayay  xabsigaweyn ee  Boosaaso, kadib markii Al-shabaab Xabsiga weyn ee Boosaaso ay ka  sii daayeen .

Ciidanku waxay ku guulaysteen in ay dib u soo qabqabtaan intii badnayd maxaabiistii falalka argagixisanimo ku eedaysnaa ee fakaday.” Ayaa lagu yiri qoraalkaas.

Sidoo kale, Waxa qoraalka lagu sheegay  in ciidanku ay wadaan hawlgal lagu beegsanayo Al-shabaab iyo Daacish.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com