Ciidanka PMPF ee Puntland oo shaaciyay in Hawlgal ay ku dileen Xubno ka Tirsan Alshabaab

Ciidamada PMPFT Puntland ayaa hawlgal qorshaysan oo ay ka Sameeyeen  Buuraleyda Golis ee Gobolka Bari, waxay ku dileen Xubno ka tirsan Al-shabaab, sida ay sheegeen saraakiisha Ciidanka PMPFta Puntland

PMF ayaa Sidoo kale sheegtay , in Al-shabaab hawlgalka looga furtay hub nooca fudud ah iyo qalab kale, oo ay u isticmaali jireen dagaalka, sida ay sheegeen PMPF.

Ciidamada Puntland ayaa hawlgalo xiriir ah ka wada Buuraleyda Gobolka Bari, kadib weerarkii dhowaan lagu qaaday xabsiga weyn ee Boosaaso.

Ilaa hadda ma jiro ilo ka madax banaan sheegashada PMPf oo cadaneyna hawlgalka mana jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Alshabaab ee la xiriira sheegashada PMP fee Hawlgalkaasi.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com