ciidanka jubland oo guulo ka sheegtay weerar ay ku qaadeen degaano shabaab ay ku sugan yihiin

Wararka ka imaanaya gobolka jubada Hoose ayaa sheegaya in dagaal u dhexeey shabaab iyo ciidamada jubland uu ka dhacay degmada dhuubleey oo ka Tirsan gobolkaasi

dagaalka ayaa yimid ka dib markii ciidamada jubland ay weerarreen Tuulooyin hoostaga degmada Dhoobleey halkaas oo ay ku sugnaayeen dagal yahano ka Tirsan shabaab oo la sheegay in iska difaaceen weerarkii ciidanka jubland degaanadaasi ay ku qaadeen

saraakiisha ciidanka jubland ayaa sheegay in dagaalkaas ay khasaare ku gaarsiiyeen shabaabkii weerarka ay ku qaadeen balse ma jiro ilo ka madaxbaan sheegashada jubland khasaaraja ka dhashay dagaalkaas

ma jiro war ka soo baxay shabaab ee ku aadan dagaal ka dhacay gobolka jubada hoose