Ciidanka Jubland oo soo bandhigay Bamgacmeedyo dhulka lagu Aasay

Ciidanka Nabad-sugidda Jubaland, ayaa sheegay in ay bambooyin ka soo saareen dhul bacaad ah oo ku yaalla Xaafadda Farjanno ee Magaalada Kismaayo

Qoraal ka soo baxay Taliska Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Jubaland, ayaa lagu sheegay in Bumbooyinkaas ay aaseen xubno ka tirsan Al-shabaab oo doonayay in ay qaraxyo ka fuliyaan gudaha Kismaayo

Sidoo kale, Qoraalka waxa lagu xusay in la fashiliyay isku daygaas, kadib markii Shacabka Xaafadda ku dhaqan ay Ciidanka ku wargeliyeen qaraxyada ku aasan dhulka.

Saraakiisha Ciidanka Nabad-sugidda Jubbaland, ayaa shacabka uga mahadceliyey sida ay uga gacan-siiyaan Amniga, waxayna ku booriyeen in ay feejignaan dheeraad ah muujiyaan

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com