Shaqaalaha dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayaa sheegay in ay arkeen dilkii sharci darrada ahaa ee askarta Ethiopia u geysanayeen afar qof oo rayid ah horraantii toddobaadkan.
Koox ka tirsan MSF iyo laba bas oo dadweyne ayaa askartu joojisay kadib weerar gaadmo ah oo ka dhacay mid ka mid ah waddooyinka waaweyn ee deegaanka.
Rakaabka ayaa lagu qasbay in ay ka degaan baska; afar nin ayaana laga soocay dadka oo la toogtay, sida ay soo werisay MSF
Saraakiisha ayaa sheegaya in eedeymaha ay u jeedisay hay’adda samafalka ee gargaarka caafimaadka la baadhri doono.”Ma jiro qof, askartana ah ee , sharciga ka sarreeyaa,” sheegtay Dawlada Itoobiya
Colaadda woqooyiga Itoobiya ayaa qaraxday bishii Nofember markii ay dawladdu qaadday guluf ay xukunka kaga saarayso xisbigii hayay talada gobolkaas ka dib markii dagaalyahannadeedu qabsadeen saldhigyo milatari oo heer federaal ah oo ku yaal Tigray.Jabhadda Xoreynta Shacbiga ee Tigray (TPLF) ayaa khilaaf aad u weyn kala dhexeeyey ra’iisal wasaare Abiy Ahmed kaas oo ku aaddanaa habka mustaqbalka dhow ee nidaamka federaalka ee Itoobiya.
Abiy wuxuu shaaca ka qaaday in iskahor-imaadkaas la soo afjaray dhamaadkii bishii Nofeembar, laakiin dagaalka ayaa ka sii socda qaybo ka mid ah gobolka, iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in kumanaan qof la dilay, boqollaal kunna laga qaxiyey guryahooda.
“Waan ka argagaxnay rabshadaha sii socda ee ka socda Tigray,” MSF ayaa ku tiri hadal ay soo saartay oo ku saabsan dilalkii kooxdoodu aragtay.
Dilka ayaa ka dhacay waddada isku xidha magaalo madaxda gobolka, Mekelle iyo magaalada Adigrat, sida ay sheegtay MSF.Saddex ka mida shaqaalaheeda ayaa wax ay wateen gaari ay si cad u ugu calamaadsan tahay MSF, kaddib markii ay la kulmeen gawaari dagaal oo gubanaya
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com