Ciidanka DFS oo Hawlgallo ka sameeyay Koofurta gobolka Mudug

 

Ciidamadda dawlada Federaalka Soomaaliyaa oo kaashanaya ciidanka Daraawiishta  maamulka Galmudug ayaa howlgalo ka dhan ah Al-shabaab ka sameeyay deegaano ka tirsan gobolka Mudug.

Deegaannada ay howlgalada ka sameyeen ciidamada Galmudug ayaa kala ah Laas gacameey  , Qeycad, iyo degaano kale ooka tirsan koofurta gobolka Mudug.

Ujeedka howlgalkaan ayay Saraakiisha ciidamadda dawlada Federaalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ku sheegeen sidii ay u xaqiijin lahayeen amaanka gobolka Mudug, islamarkaana Al-shabaab ay uga saarilahaayeen lahayeen deegaanada ay kaga harsan yihiin gobolka Mudug, waxaana deegaanada howlgalada ay ka sameyeen ciidanka in dhawaan lagala wareegay  Al-shabaab.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ka socda koofyrta gobolka mudug ayaa sheegay sii wadayaan howlgalada ay ku xaqiijinayaan amaanka deegaanada koofurta gobolka  Mudug ee laga saaray Al-shabaab.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com