Saraakiisha Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Galmudug ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb, ayaa shaaca ka qaaday in ay xalay hawlgal qorshaysan ku dileen xubno ka tirsan Al-shabaab, oo hoobiyaal ku weeraray Dhuusamareeb.
Saraakiishaasi CiidamadaDawlada iyo kuwa maamulka Galmudug oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in ay hawlgalka ay ku dileen illaa iyo 8 qof oo ka tirsan Al-shabaab, islamarkaana ay gacanta ku dhigeen Gaadiidkii iyo Hub ay wateen.
Hawgalkaasi ayaa ku soo aadaya madaafiic Hoobiyaal ah oo laga maqlay Dhuusamareeb, waxaana ku xigay dagaal duleedka magaalada ku dhexmaray Ciidamada dowladda iyo shabaabka weerarka soo qaaday oo markiiloo Awood sheegtay.
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com