Ciidamo ka Tirsan Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa howlgal ka sameeyay degaano hoos yimaadda degmada Baardheere ee gobolka Gedo, Hawlgalka ayaa lagu bur buriyay saldhigyo Al-shabaab ku lahaayeen degaanadaasi Waxaana sidaasi sheegay sarakiil ka Tirsan ciidanka Dawlada .
Sidoo kale Howlgalka ayaa waxaa lagu dilay Xubin ka tirsan Saraakiisha Al-shabaab oo ku sugnaa degaanka, waxaa lagu soo waramayaa in Sarkaalkaas Meydkiisa la soo bandhigay.
Saraakiisha ciidanka Ciidanka Xoogga Dalka ee Aagaasi ayaa sheegay in howlgaladii la sameeyay ay kula wareegeen tuulooyin ay kamid tahay Kormari oo Alshabaab dadka ku dhibaateyn jireen.
Dhawaan ayaa Alshabaab weerar ka geysteen Saldhig ay Ciidanka dowladda ay ku leeyihiin Tuulooyin hoostega Degmada Baardheere eeGobolka Gedo dagaalkaas oo sababay khasaare kala duwan oo soo garay dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay.
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@Aragticusub.com