Ciidanka dawlada oo Hawgal ka Fuliyay gobolka shabeelaha Hoose

Saraakiil ka Tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay hawlgal qorshaysan ku dileen ilaa 16 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab kuwaas oo ay ku jiraan laba sarkaal oo sare.

Saraakiishu waxay sheegeen in Hawlgalkaasi qorshaysan Ciidamadu ka fuliyeen Degaanka Sham-garre oo hoosyimaada Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellada Hoose halkaas oo ay ku sugnaayeen malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab.

Hawlgalka Qorshaysan ee Ciidamada Miletariga Soomaaliya ay ka fuliyeen Degaanka Sham-garre waxaa looga hortagayay weeraro ay Al-shabaab doonayeen in ay soo qaadaan sida laga soo xigtay Saraakiisha.

Al-shabaab dhankooda weli kama hadlin sheegashada Ciidamada Miletariga Soomaaliya ee la xiriirta in ay laayeen xubno Shabaab ah sidoo kale ma jirto cid ka madax-bannaan dhinacyada oo warkaasi xaqiijisay.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com