Ciidanka DANAB oo Maanta howlgal qorsheysan fuliyay

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB gaar ahaan Ururka 7-aad ee Guutada 16-aad ayaa saaka howlgal qorshaysan ka fuliyey  Degaanka Shaam oo qiyaastii 28km dhanka Waqooyi Galbeed kaga beegan  degmada mahadaay Ee  Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ku Simaha Taliyaha ururka 7 aad ee Guutada 16 aad ee kumaandooska  DANAB Xiidgle Axmed Maxamed Salaad ayaa sheegay in howlgalka  ujeedkiisu uu ahaay burburin goobo ay lacago uga qaadi jireen shacabka Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in degaanka ay Ciidanka DANAB ka fuliyeen ay dadka Shacbaka ah ku qabi jireen dhibato ay u geeysanayaan Al-Shabaab, isla markaana howlgallada ay sii socon doonaan.

Howgalka Ciidanka DANAB ay ka fuliyeen Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxsaa la sheegay in uu qeyb ka yahay howlgallada guud ee Ciidanka xoogga Dalka soomaaliyeed ka wadaan degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada dalka Soomaaliya.

Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com