Ciidanka Danab oo Hawlgal kula wareegay degaanka Kuntuwaareey gobolka shabeelaha Hoose

Ciidanka DANAB ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal waxaa ay ka fuliyeen degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose,waxaana Saraakiisha Ciidankaas  ay sheegeen inay la wareegeen degaanka  Kuntuwaareey ee Gobolkaas oo ay gacanta ku hayeen Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Ciidamada ay gacanta ku dhigeen  Saldhiga degaanka  Kuntuwareey ay ka siidaayeen dad Shacab ah oo u xirnaa Al-Shabaab.
Wararka laga helayo Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada ay weli howlgallo ka wadaan Xaafadaha kala duwan ee degaanka  Kuntuwaareey.

Ciidamo ka tirsan kuwa DANAB ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal waxaa ay ka fuliyeen degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose,waxaana saraakiil Ciidan ay sheegeen inay la wareegeen degmada Kuntuwaareey ee Gobolkaas oo ay gacanta ku hayeen Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Ciidamada ay gacanta ku dhigeen Saraakiil ka tirsan ururka Al-Shabaab, sidoo kale ay Saldhiga degmada Kuntuwareey ka siidaayeen dad Shacab ah oo u xirnaa Al-Shabaab.

Wararka laga helayo Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada ay weli howlgallo ka wadaan Xaafadaha kala duwan ee degmada Kuntuwaareey.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com