Saraakiil ka Tirsan Ciidanka Danab ayaa sheegay hawlgal qorshaysan oo ay Ciidankooda ka fuliyeen degaanno ka tirsan gobolka Shabeellada hoose ay ku dileen xubno kale oo ka tirsan Al-shabaab.
Hawlgalka oo laga fuliyay tuulada Sahan-yarey oo hoostagta degmada Wanlaweyn ee gobolka shabeellada hoose ayaa lagu dilay laba horjooge iyo lix dagaallame oo ka tirsan Al-shabaab sida laga soo xigtay Saraakiisha Danab.
Saraakiisha Danab Waxaa ay intaasi ku dareen in hawlgalka lagu burburiyay maxkamad Al-shabaab leeyihiin oo halkaas ku taallay islamarkaana gacanta lagu dhigay liis ay ku qoran yihiin garsoorayaashii maxkamaddaas
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com