Ciidanka Danab oo Alshabaab kala wareegay degaano ka Tirsan shabeelaha Dhexe

Taliyaha ururka 7aad  ee Guutada 16aad ee Ciidanka Danab Dhame Xasan maxamed cisman  oo hogaamiyanyey hawlgalka  ciidanka Danab ay ka fuliyeen gobolka shabeelaha dhexe ayaa sheegay in Alshabaab ay kala wareegen degaanada kala ah, war ciise Buulo ganay iyo Majo badan oo ka tirsan Gobolka shabeelaha dhexe

Taliyaha ayaa sheegay in Hawlgalkaan uu socday muddo saacado ah islamarkaana ciidanka  hawlgalka ay ku soo gaba gabeeyeen waxaana hawlgalka intii uu socday dhacay dagaal xooggan u dhexeyay Alshabaab iyo ciidanka Danab ee Hawlgalka Halkaasi ka waday in kastoo aysan warbaahinta helin khasaaraha dhabta ah ee Hawlgalka ka dhashay.

Alshabaab ayaa mudooyinkii dambe laba jibaaray weerarada ay ka geysanayaan gobolka shabeelaha dhexe iyaga  oo inta badan la eegta Ciidanka Dawlada Federaalka iyo kuwa Amisom ee fariisink ku leh gobolkaasi

 Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com