Ciidanka Booliska Gobolka Bari oo Xabsi dhigay Sariflayaal Sare u qaaday qiimaha lacagta doolarka ah

Wararka ka imaanaya  Magaalada Boosaaso ee Xaruunta Gobolka Bari ayaa sheegaya Ciidanka Booliiska Gobolka Bari, ay xabsiga dhigeen  qaar kamid ah Sarriflayaasha magaalada Boosaaso, oo sida la sheegay in sare ay u qaadeen sarrifka Lacagta Dollar.

Xubno l ka tirsan Booliiska gobolka Bari, ayaa xaqiijiyay in xabsiga loo taxaabay qaarka mid ah  Sarrriflayaasha magaalada Boosaaso, kuwaas oo qiimo kordhin ku sameeyay Sarrrifka Lacagta.

Boosaaso waxa ka socda hawlgal ciidan oo ku doonayan in la qabto cid kasta oo diida Lacagta Shilin Soomaaliga ama qiima saa’id ah ku sarrifta qiimaha Dollarka.

Maamulka Puntland ayaa meel Adag ka Istaagay Diidmada lacagta shilinka Soomaaliga ah ee ka jirta degaanada maamulkaasi nuu ka taliyo

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com