Ciidanka Badda Puntland oo gacanta ku dhigay doomo kalluumeysi

Ciidamada Badda ee Maamulka  ee  looyaqaan PMPF, oo hawlgal qorshaysan ka sameeyay xeebaha gobolada Bari iyo Sanaag, ayaa qabtay  10 doonyood oo kuwa kalluumeysiga ah, sida ay ciidanku shaaciyeen.

Qoraal ka soo baxay PMPF, waxa lagu sheegay in hawlgalka laga fuliyay degaannada kala ah Qaw, Ceelaayo, Durduri, Raas Gacan iyo Laasqoray oo dhammaantood ku teedsan xeebaha gobolada Bari iyo Sanaag.

Hawlgalkaas waxa lagu qabtay ilaa 10 doonyood oo laga leeyahay waddanka Yemen iyo dhammaan shaqaalihii saarnaa oo u dhashay Yemen, kuwaas oo jariif ba’an ku hayay xeebaha Puntland.

“Hawlgalka waxaa ciidamadu kusoo qabteen 10 doonyood iyo shaqaalahoodii, kuwaas oo u dhashay dalka Yaman, ugana kalluumaysanaayey si sharci daro ah xeebaha Puntland.”

Ciidanka PMPF ayaa muddooyinkii u dambeeyay hawlgalo ka dhan ah kalluumeysiga sharci-darrada ah ka waday xeebaha Bari iyo Sanaa gee Puntland.

 Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com