Ciidanka Amniga Puntland oo Hawlgal ku soo qabtay Walxaha Qarxa oo god lagu aasay

Ciidamada Puntland, gaar ahaanna Birmadka madaxtooyada, oo saacadihii la soo dhaafay hawlgal qorshaysan ka fuliyay duleedka magaalada Boosaaso, ayaa gacanta ku dhigay kaydkii Qaraxyada Al-shabaab.

Telefishinka Maamulka Puntland ayaa baahiyay  in Ciidamadu ay gacanta ku dhigeen god Al-shabaab ku kaydsatay Qaraxyo, islamarkaana qarxiyeen miinooyin ku jiray godka, oo kayd qarsoon u ahaa Alshabaab .

Sidoo kale Saraakiisha Amniga Puntland  sheegay  in Ciidanka ay godkaas ka soo saareen  bambooyinka gacanta laga tuuro iyo agab kale, oo qaraxyada laga sameeyo, kuwaas oo Al-shabaab ku aastay godkaaasi.

Hay’addaha Amniga Puntland ayaa muddooyinkii waday Hawlgalo Amniga lagu xaqiijinaayo kuwaas oo ay ka sameeyeen degaanada Puntland

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com