Ciidamo xiray Idaacadda Hiiraan weyn Xarunteeda Beledweyne

Xarunta Idaacadda Hiiraanweyn ee Magaalada Beledweyne waxaa maanta weeraray ciidamo la sheegay inay ka Amar qaataan Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.

Ciidamada ayaa gudaha ugalay Xarunta ay Magaalada Beladweyne ku leedahay Hiiraanweyn waxana ay hawada ka saareen Idaacada oo xiligaas toos hawada ugu jirtay waxana ay xireen dhamaan shaqaalihii Warbaahinta.

Maamulka Radio Hiiraanweyn ayaa sheegay in Ciidamada weeraray Xarunta Warbaahinta aysan u sheegin sababta loo soo weeraray Warbaahinta.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com