Ciidamo Xalay Isku rasaaseeyay Degmada Kaaraan

 

Ciidamo ka Tirsan Dawlada Federaalka ayaa xalay isku rasaaseeyay Magaalada Muqdisho

Israsaaseynta ayaa ka dhacday Xaafada Cali Gedi ee Degmada Kaaraan Waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Israsaaseynta ayaa timid ka dib markii ay kala shakiyeen ciidamo ka Tirsan Militariga Dawlada Federaalka oo ku sugnaa halka laysku rasaseeyay

Gudoomiyaha degmada Kaaraan Abshir kaaraan ayaa beeniyay in israsaaseynta ay dhexmartay kooxo burcad ah iyo Ciidanka Dawlada waxaana uu sheegay in ciidamo kala shakiyay ay israsaaseynta wada dhexmartay ayna baarayan waxa sababay iska hor imaadka

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com