Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay lumisay gacan ku haynta qaar ka mid ah xaafadaha Magaalada Muqdisho
Xaafado ka Tirsan degmooyinka Cabdicasiis iyo Kaaraan ayaa waxaa la wareegay gacan ku hayntooda ciidamo taabacsan Senitor Muuse Suudi Yalaxow iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya xasan sheikh Maxamuud kuwaas oo wata Gaadiid dagaal oo ay la socdaan ciidamo aad u hubeysan.
Wadooyinka laga soo galio Xaafadahaasi ayaa waxaa si buuxda gacanta Ugu haaya Ciidamadaan ka Amar qaata Senitor Muuse Suudi Yalaxoow iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo ah Madaxweynihii ka horeeyay Farmaajo oo si diqmooradiyadeedna Xilka Ugu wareejiyay .
Sodoo Kale Xaafada Shiirkule oo ka Tirsan Degmada Hodan ayaa waxaa ku sugan Ciidamo Taabacsan Saadaq Joon kuwaas oo gabi, ahaanba Xaafadaasi la wareegay.
Wararkii ugu dambeeyay oo ay heshay Warbaahinta Aaragti Cusub ayaa sheegaya in dawlada Federaalka Maalmaha soo socda ay lumin doonto gacan ku haynta xaafado kale oo ku yaala Muqdisho kuwaas oo ay la wareegi doonaan Ciidamo Taabacsan Midowga Musharixiinta oo Daacad ah u ah Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com